DAAWO SAWIRADA:- Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya oo la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka

0

Kulankaan oo uu manta Ra’iisul wasaraha magacaaban ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre “ Xasan Bille “ uu la qatay Xildhinabaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu Xildhibaanada kaga codsaday in ay codka kalsoonida siyaan marka uu hortago Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale ka codsady in ay taageeraan Magacaabistiisa kana shaqeeyaa sidii uu u heli lahaa Codka Kalsoonida ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ka dhacay Guriga uu Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ka dagan yahay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood.

Kulanka ayaa waxa uu Ra’isal Wasaaraha Magacaaban Xildhibaanada ugu soo bandhigay Barnamijka Xukuumadda uu ku hogaamin doono Afarta sano ee soo socota hadii ay Codkooda siiyaan.

Ra’iisal Wasaaraha Magacaaban ee Sooomaaliya ayaa hortagi doono xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya sidi uu kalsooni u waydiisto uu ku hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya Afarta sano ee soo socota.

Hoos ka Daawo Sawirada:-