WAR DEG DEG AH:- Dagaal Xoogan oo ka socda Magaalada Marko

0

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Malleeshiyo beeleed wada dega Gobolka Shabeellaha hoose.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dagaalka uu billowday kaddib markii maalin ka hor ay dhinac ka mid ah dhanacyada isku dayeen in ay qabtaan banaanbax lagu taageerayo Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Dhinaca kale ayaa la sheegayaa in ay Hoobiyayaal ku garaaceen dhinacii kale sidaasna ku billowday dagaalka u dhaxeeya labada beelood.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka oo billowday saaka uu ilaa hadda ka socdo xaafado ka ka mid ah Marka oo ay ka mid tahay Buulo Jaan.

Guddoomiyihii hore ee Marka Yariisoow ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo Al-shabaab iyo Ciidan degaanka ah sida uu hadalka u dhigay,waxaase goobjooge yaasha ay sheegayaan in dagaalka uu u dhaxeeyo beelo waayadan ku diriri jiray Marka iyo agagaarkeeda.