Halkee la geeyay shaqaalihii laga Afduubtay Save the Children ?..

0

Maamulka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ka hadleen Shaqaale ka tirsan Hay’ada Badbaada caruurta ee Save the Children oo shalay laga Afduubtay degaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10-KM dhinaca Koonfur Bari ka xiga Magaalada Baledweyne.

Dadka la Afduubtay ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan Saddex Qof oo Soomaali ah iyo Darawalkii Gaariga u waday, waxaana la geeyay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo ay ka taliyaan Al-Shabaab, sida ay sheegeen Maamulka Beledweyne.

Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay shaqaalaha la Afduubtay in lala aaday degaanka Halgan, wuxuuna tilmaamay in mamaulkooda aanay awood u laheyn in ay Shabaab ka soo furtaan shaqaalhaas samafal ee laga qafaashay Beledweyne.

Shaqaalaha ka tirsan Hay’ada Badbaada caruurta ee Save the Children ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.