Dowladda Qatar oo Sheegtay inay la shaqeyn doonto Ra’isal Wasaaraha Cusub

0

Dowladda Qatar ayaa si diiran usoo dhawaysay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia, oo loo magacaabay Khamiistii lasoo dhaafay Xassan Cali Kheyre.

Raisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa Sheekh Cabdullaahi bin Naasir bin Khaliifa al-Thani ayaa sheegay in dowladiisa ay la shaqeyn doonto Xassan Cali Kheyre.

Dowladda Qatar ayaa usoo dirtay xafladii caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ee dhacday Arbacadii lasoo dhaafay ku simaha Safiirkeeda Somalia Hassan bin Mohammed Hamza Asad.

Ra’iisul wasaaraha Qatar waxa uu sheegay in Somalia iyo Qatar ay yihiin labo dal oo walaalo ah, islamarkaana uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer, oo wada-shaqeyn ah.

Dowlada Qatar ayaa kamid ah wadamada galaangalka weyn ku leh siyaasada Somalia, oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ku xirnayd dalalka khaliijka carabta oo aad u danaynayo inay maalgashi ku samaysyaan dalka.

Ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Somalia Xasan Calii Kheyre ayaa la filayaa inu dhawaan Baralamaanka waydiisto codka kalsoonida si uu usoo dhiso gole wasiiro.