DHAGEYSO WAREYSI:- Xaalad adag oo laga soo sheegayo Gobolka Hiiraan

0

Nolosha dadka nool degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka hiiraan oo ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo kamid ah dalka ayaa laga darinyaa iyadoo dhibatooyin xaga nolosha laga soo sheegayo degmooyinkaas Dadkuna aysan heysan wax ay cunaan ama ay cabaan.

Gudooomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobolka hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in macluul ay kajirto degaanadaas islamarkaana dadku ay qarka usaaranyihin inay udhintaan gaajo iyo haraad.

Waxa uu tilmaamay Sheikh Xuseen Cismaan Cali in dadkaasi oo ubadan xoolo dhaqato ay ka dhamaadeen xoolihii wabigiina uu guray islamarkaana ay ku nooyihiin nolol aad udag oo uu xusay hadii aan maalmaha soosocda gurmad eysan helin laga yaabo inay gaajo darted udhintaan dadkaasi.

Dhinacakale Sheikh Xuseen Cismaan Cali gudooomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka hiiraan waxaa uu sheegay inaysan wax gurmad ah wali helin dadkaasi oo laga gaabiyey wax kaqabashada dhibaatada abaareed ee ka jirta gobolka Hiiraan.

Waxaa uu carabka ku dhftay in guddiga abaaraha,dowlada dhexe ee federaalka,iyo maamulka Hirshabeelle aysan wax kasoo gaarin dadkaasi oo ay ubaahanyihiin in wax loo qabto.

Sheikh Xuseen waxaa uu ku baaqay in si dag dag ah loogu gurmado dadkaasi ku dhibaateysan Hiraan islamarkaana cidkastaa ee lasoo gaarto waxa ay bixin karto si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-