Xukun lagu riday Dhalinyaro weerartay Soomaali

0

Labo Dhalinyaro ah oo weerar jinsi naceyb ah ku qaaday 3 Qof oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu xukumay Maxkamad ku taalla Gobolka Kansas ee bartamaha Dalka Mareykanka.

Dhalinyarada la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Omar Cantero Martinez, oo 32 sano jir ah iyo Armando Sotelo, oo 24 sano jir ah, sida ay qoreen warbaahinta gudaha ee dalka Mareykanka.

Maxkamad Federaal ah oo ku taalla Gobolka Kansas ayaa Omar Cantero Martinez oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Mexico ku xukuntay 26 bilood, halka Armando Sotelo ay Maxkamadu ku xukuntay 20 bilood oo xabsi ah.

Garsooraha Maxkamada ayaa waxa uu sheegay dhlinyaradan kiisaskooda in ay socdeen mudo dheer, Maxkamaddana ay si weyn uga fiirsatay.

Dhalinyaradan la xukumay ayaa waxa ay Bishii June sanadkii 2015-kii weerar ku qaadeen Soomaali ku sugneyd dukaan lagu magacaabo Dodge City, halkaasi oo ay ka geysteen weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.