WAR DEG DEG AH:-Isgaarsiinta Degmada Hobyo oo la jaray iyo Barakac ka socda Magaaladaasi

0

Wararka ka imaanaya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Isgaarsiinta Goor dhow la jaray,waxaana Magaalada ka socda barakac ay sameynayaan dadka Shacabka.

Al-shabaab ayaa Maanta la wareegay Degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug,waxaana Cabsidu  ay timid kadib markii  Dadku ay ka baqeen in Shabaab ay Magaalada soo galaan.

Isgaarsiinta ayaa Go’an,waxaana wararku ay sheegayaan Al-shabaab ay jareen Isgaarsiinta Hobyo iyo Xarardheere.