Qaramada Midoobay oo abaarta u codsatay balaayin dollar

0

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dad ka badan 20 milyan oo ku nool dalalka, South Sudan, Nigeria, Soomaaliya iyo Yemen ay qarka u saaran yihiin in ay gaajo u dhintaan, waxaana ay ku baaqday gurmad degdeg ah.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxa ay Qaramada Midoobay shaacisay in macluul ay ka dilaacday qeybo ka mid ah South Sudan.

Asagoo weriyayaasha kula hadlayay magaalada New York, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay ku dadaasho sidii looga hortagi lahaa musiibo ka dhacda dalalkaasi.

Mr Guterres ayaa codsaday ku dhawaad afar iyo bar bilyan oo dollar, si wax looga qabto xaaladda afartaasi dal.

Xoghayaha guud ayaa intaa raaciyay in ilaa iyo hadda ay heleen lacag dhan 90 milyan oo dollar, taasoo u dhiganta boqolkiiba laba inta ay codsadeen.

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay ku dadaasho sidii looga hortagi lahaa musiibo ka dhacday dalalkaasi.