Farmaajo oo Saakay u amba baxay Safarkii ugu horeeyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga, Kadib markii uu marti qaad ka helay Boqorka Sacuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaana qaar ee Labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeeka uu Madaxweynaha u aaday Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay arrimo ku aadan Cimreysi, waxaana uu u soo duceynayaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida ay Risaala u sheegeen Saraakiil ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan noqonaya midkii ugu horreeyey ee uu ku aado dalka dibaddiisa, tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay, isagoo halkaasi kula soo kulmi doona madaxda dalka Sacuudiga.