Dowlada Ingiriiska oo ugu deeqday dalka Soomaaliya 125 Malyan oo Dollar

0

Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday taageero lacageed oo ay siineyso dalka Soomaaliya oo haatan ay ka jirto abaar qarkana u saaran macluul.

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka UK Priti Patel ayaa ku dhowaaqday kaalmadan cusub ee dowladeedu siinayso dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Priti Patel ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo dagaalada ka jira dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ay qoysas badan qarka u saareen macluul.

Dalka Soomaaliya ayey sheegtay in dad ka badan lix milyan oo qof aysan haysan cunno ku filan, ayada oo 360,000 oo carruur ah ay nafaqo darro hayso.

Priti ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya in Soomaaliya ay wajaheyso macluul la mid ah ama ka xun middii dhacday sanaddii 2011.

Lacagtan cusub ee Soomaaliya loogu deeqay ayaa la sheegay in cunno deg deg ah lagu gaarsiin doono hal milyan oo qof, islamarkaana taageero nafaqo oo nolol bad-baadin ah lagu siin doono 600,000 oo carruur iyo haween uur leh ah.

Lacag la mid ah tan dalka Soomaaliya la siinayo ayaa waxaa sidoo kale helaysa wadanka Koofurta Sudanoo ay macluul ka jirto.