DHAGEYSO:- Puntland oo Shaacisay in aysan Wada shaqeyn ka dhaxeyn Hay’addaha Maamulka Puntland

0

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa waxa uu ka hadlay amniga Degaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland, isagoo sheegay amniga hada in uu yahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay Wasaaradiisa iyo Wasaaradaha kale ee Puntland hadii ay isku shaqo noqdaan in Maamulka Puntland aysan shaqo u qabsoomin, taasina la doonayo in laga gudbo.

Waxa uu sheegay shacabka iyo Ciidanka ammaanka in ay wada shaqeeyaan, oo si wadajir ah looga qeyb qaato sidii amniga loo sugi lahaa, loogana hortagi dadka mararka qaar amniga qal qal geliya.

Sidoo kale Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa sheegay muhiim in ay tahay dadweynaha inaan sharaftooda la baabi’in, inaan la Qixin iyo inaan la baqdin gelin.

Degaanada Maamulka Puntland oo mararka qaar ay ka dhacaan weeraro qorsheysan ayaa hada amnigooda waxa uu yahay mid la isku haleyn karo, maadaama Ciidamada ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-