DHAGEYSO:- Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Hoobiyaal ku soo dhacay Muqdisho

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Hoobiye gelinkii dambe ee maanta ku soo dhacay xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Hoobiyahan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa waxa uu ku dhacay Guri ku yaalla xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, waxaana ku dhaawacantay ku dhowaad 5 Qof oo isugu jira Haween iyo caruur.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay dadkii ku dhaawacmay Hoobiyahan in loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana goobta gaaray oo baaritaano ka sameeyay Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoobiyahan ayaa soo dhacay, saacado kadib markii ay soo idlaatay Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), taasi oo ka dhacday xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.

Todobaadkan gudhiisa xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir waxaa ka dhacay Qarax  loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka Dhageyso Codka:-