DHAGEYSO:- Ciidamada Dowladda oo Xiray Wadooyinka Sool iyo Siyaasiyiin Somaliland ah oo..

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Taabacsan Dowlada Federaalka ay  xireen wadooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Sool.

Jeneraal C/fataax Maxamed Beydan ayaa sheegay in ay wadooyinkaasi ka xireen Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland islamarkaana aysan dooneynin in calan gooni ah iyo maamul laga hirgeliyo Gobolka Sool.

Jeneraalka ayaa sheegay in u jeedkooda uu yahay Soomaaliweyn oo israacda iyo Calanka Soomaaliya oo laga taago Gobolka Sool.

Arrinta aya ku soo beegmeysa xili dhawaan Cali Khaliif Galeyr iyo iyaasiyiin kale ay heshiis la galeen Maamulka Somaliland islamarkaana ay ka biyo diideen Saraakiisha Ciidamada ee Sool ku sugan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-