DAAWO SAWIRADA:- Nin u Dhashay Dalka Mexico oo 3 Jeer laga soo Masaafuriyey Maraykanka oo Is-Dilay

0

Ninkaasi oo la oran jirey Guadalupe Olivas Valencia ayaa la sheegay inuu daqiiqado yar kadib markii la soo tarxiilay ayuu iska tuuray Buundo dhererkeedu ahaa 30-mitir oo ku taalla xuduudka ay labadaasi waddan wadaagaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkaasi oo 44 jir ahaa uu isku buuqsanaa, taasi oo keento inuu naftiisa haligo.

Dilkiisa ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Xoghayayaasha Ammaanka Gudaha iyo Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kelly iyo Rexis Tillerson maanta booqan doonaan dalka Mekisko, si ay Madaxweynaha dalkaasi, Enriiku Pena Niyeto kala hadlaan arrimaha Socdaalka.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhex aloosan Labadaasi Dowladood, iyadoo Madaxweyne Donald Trump amray in derbi laga dhiso Xuduudka labada dal, si loo joojiyo kooxaha  ka-ganacsada Daroogadda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-