XOG:- Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo amray in la raro safaaradaha ajnabiga ee u dhow Villa-Somalia.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho sida aadka ahna ugu dhaw xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo uu amar ku bixiyey safaaradaha shisheeye ee ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya in mudo kooban gudeheed uga guuraan Xeyndaabka Villa Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Amarkan uu kayimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isku dayaya sidii uu u kasban lahaa quluubta Shacabka Soomalaiyeed uma soo celin lahaa dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa jiray kulamo madaxweynaha uu la yeeshay qaar kamid ah Masuuliyiinta safaaradohooda ay ku dhexyaalaan gudaha Safaarada isagoo kala hadlay sida dowladdiisa cusub udaneyneyso in laga guuro xeyndaabka madaxtooyada looga arimiyo dalka.

Masuuliyiinta labada safaaradood ee ku yaala deegaanka Madaxtooyada ayaa aqbalay dalabka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Sideedii bishan loo doortay xilka Madaxweyne.

Jabuuti ayaa noqotay safaarada ugu horeyso ee fulineysa dalabka Madaxweynaha waxeyna isaga guureysaa dhismaha ay ka daganeyd Madaxtooyada Soomalaiya iyadoo deegaansaneysa Xeebta Liido.

Madaxweynayaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta Muqdisho u yimid xaflada caleema saarka madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabadaas kaddib waxa uu dhaggax dhigay dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ay daggi doonto.

Waxaa intaasi kadib Madaxtooyo baaqi kusii ahaan doono Safaarada Itoobiya ee Soomaaliya ee ku taala deegaanka Madaxtooyada Villa Somaliya, lama oga sida itoobiya ay ku ogolaan doonto iney agabkeeda ka xirxirato Aqalka looga arimiyo Dalka.

Dhinaca kale Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomalaiyeed ayaa horay usoo jeediyay talada ah in Safaaradaha shisheeye laga raro Madaxtooyada si gaar ah waxey farta ugu godeen Itoobiya oo siyaasad ahaan aysan isjecleyn Shacabka Soomalaiyeed.

Isku soo wada duuboo Dowladdaha Turkiga iyo Imaaraadka ayaa iyaguna Safaaradohooda waxa ay ku yaalaan Meel aan isdaasi uga fogeyn degmooyinka ku hareereysan Madaxtooyada Soomalaiya, halka kuwa reer Galbeedkana ay ku dhexyaalaan gudaha Xerada ugu weyn Ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Dalka ee garoonka Aadan Cadde.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media