XOG HOOSE:- Shaqsi caynkee ah ayaa la hadal haayo in Ra’iisul Wasaaraha dalka laga dhigo?

0

Waxaa aad u sii badanaya shakhsiyaadka doonaya in ay noqdaan Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa jirta hadal hayn badan oo ku aadan shaqsiga la filaayo in loo magacaabo Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda dhalan doonto, iyadoo aad loo hadal haayo Axmed Cabdikarim Nur (Axmed-Dahir).

Shaqsigan aadka loo hadal haayo ee la filaayo in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa ka soo shaqeeyay Arimaha Bulshada, isaga oo taariiq dheer ku leh.

Axmed Daahir waa Guddoomiyaha hadda ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, taas uu ka soo shaqaynaayey ilaa iyo sannadkii 2013.

Ninkan, oo dadka yaqaanna ay ku tilmaamaan in uu lahaan kara tilmaamo la sifo ah Madaxweynaha ama kabi kara baahidiisa shaqo ee uu doonayo, waxaa lagu sheegaa qof aad u xog ogaal ah, waaya-aragnimo, waddaninnimo, aqoon, karti iyo dulqaad aad u badan leh.

Axmed-Dahir oo leh taariikh dheer ee waxbarasho, wuxuu ka baxay Dugsigii Sayid Mohamed ee Marka, kadibna dalka India ka soo qaatay waxbarasho luuqadeed 1994-1996.

Sidoo kale, wuxuu Jaamacadii Umadda wax ka bartay Qaybta Luuqadaha. Wuxuu magaalada London ka qaatay shahaada B.A. (Public Administration & Social Policy – North London University 2000-2004) iyo M.A (International Relations, Dep. of Law, Governance & International Relations – 2005-2008).

Wuxuu Axmed-Daahir xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada heerarkeeda kala duwan sida Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, masuuliyadaha uu soo qabtayna waxaa ka mid ah.

Wuxuu ahaa Wasiirkii Maaliyadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedkii Galmudug 2006-2009 kii.

Billowgii sannadihii 2000, wuxuu Maamule Shirkado dhowr ah ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu muddo kooban ku noolaa.

Ka hor inta uusan dalka ka tagin, billlowgii iyo bartamihii sagaashaamaadka, wuxuu qayb ka ahaa maamulladii gudaha, taas oo uu markii ugu danbeysay ahaa Xoghayihii Guud ee Guddigii Sare ee

Maamulka Banaadir 1997 -1999. Wuxuu kaloo noqday shaqadii qaranka 1993-1994, waqtigii Dowladdii Dhexe macalim xisaabta ee Dugsigii Sare ee Saaxil, Barbara (Somaliland) .

Hadda ayadoo dalku maanta helay Madaxweyne leh shacbiyad aad u baaxad wayn, Axmed-Daahir wuxuu noqon karaa Raisul Wasaare aqoon, wax qabad iyo khibradba u leh shaqada samata bixinta umadda Somaliyed.