WAR FARXAD LEH+ DHAGEYSO:- Ciidamada XD Soomaaliya Oo Ciidamada AMISOM Sanad Iyo Bar Gudahood Kala Wareegaya Sugida Amaanka Dalka.

0

Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu la wareegay Xilka Madaxweynaha waxaa uu shaaciyay in ciidamada AMISOM mudo labo sano kadib dalka ay ka baxayaan intaasna la diyaarinayo Ciidamadii Xooga ee la wareegi lahaa Amaanka Dalka.

Waxaa hadda la qaban qaabinayaa Dhismaha Xero lagu tababaro Ciidamada Dowlada waxaana kharashka Tababarka iyo dhismaha xeradda Ciidamada bixineysa Dowlada Ingiriiska.

Taliyaha Ciidanka Amisom Jeneraal Cismaan Nuur Subagle ayaa ka hadlay dhismaha Dugsigan Cusub ee lagu tabbarayo Ciidanka Soomalaida.

Waxaa uu sheegay Jeneraal Subugle in AMISOM ay fulin doonto Dhismaha iyo Tababarka ,waxaana sidaa isla gartay Madaxda Ciidamada AMISOM.

Xeradda Cusub ayaa laga soo sahmiyay in laga dhiso Gobolka Baay gaar ahaa Duleedka Magaalada Baydhabo halkaas oo ay tageen Saraakiil iyo Madax ka socota AMISOM.

Ciidamada Xeraddan Cusub lagu tababari doono ayaa la xaqiijiyey in ay yihiin kuwo Mudo Hal sano iyo Bar kadib la wareegi doona Shaqada Ciidamada AMISOM.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media