War deg deg ah:- Hoobiye ku soo dhacay Wadajir iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir gaar ahaan Agagaarka xaafada Kaawo-godey ayaa waxa ay sheegayaan in Hoobiye uu ku soo dhacay halkaasi, kaasi oo geystay khasaare.

Hoobiyahan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa waxa uu ku dhacay Guri ku yaalla xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, waxaana ku dhaawacantay 5 Qof oo isugu jira Haween iyo caruur.

Hoobiyahan ayaa soo dhacay, saacado kadib markii ay soo idlaatay Munaasabada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), taasi oo ka dhacday xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.

Todobaadkan gudhiisa xaafada Kaawo-godey ee Degmada Wadajir waxaa ka dhacay Qarax  loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.