TOP DHAGEYSO:- Sidee ayay u arkaan Maamulka Galmudug in Hogaamiyaha Ahlu sunna uu ka qeyb galayo Caleemasaarka Madaxweynaha?

0

Qaar ka mida xubno ka tirsan Baarlmaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo uu horkacayo Xareed Cali Xareed oo ah  xubin ka mida Baarlmaanka Galmudug aya Sheegay in ay taageersan yihin  Casuumada Madaxweyne Farmaajo uu u fidiyay Hogaamiye Diimedka Ururka ahlusuna Waljeeca waxana ay shgeen in  isbadal doonta ay taageersan yihiin.

Hadalka Xareed ali xareed ayaa ku socda in ay doonayan in isbadal lagu sameeyo galmudug arintaasi oo uu shegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay deganada gobalada dhexe isla markana 4tii sano ee horay ay tahay mid aan si fiican looga shaqaynin.

Kooxdan uu horkacayo xareed ali xareed ee ka tirsan barmaanka galmudug aya ajaa kooxihii soo abaabulay mooshin ay shegeen in xilka ay uga qaadeen madaxweyne Gulled taa oo qal qal siyaasadeed ka dhax abuurtay cadaado iyo iyo deganada Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO