TOP DHAGEYSO:- Maamulka Somaliland oo eedeen iyo Hanjabaad iskugu daray Laanta Afsoomaaliga BBC-da

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cusmaan Saxardiid Caddaani oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa Idaacadda BBC-da ku eedeeyay in ay buun buuniso dhacdooyinka yar yare ee gudaha Soomaaliland, isagoo sidoo kale sheegay in BBC-da ay Dagaal bareer ah ku soo qaaday Soomaaliland.

Waxa uu sheegay BBC-da in ay ka baxday dhex dhexaadnimada iyo wararkii xaqiiqada ahaa ee lagu yaqiinay, oo ay u leexatay in ay noqoto mid dhinac ka raran oo warar aanan jirin ka faafisa Soomaaliland, waa sida ay aragtidiisu tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay BBC-da in ay hada iyo jeer qaban qaabiso dadka caanka ku ah naceybka Soomaaliland iyo arrin kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasiyiinta Soomaaliland.

Dhinaca kale Cusmaan Saxardiid Caddaani Wasiirka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland ayaa soo hadal qaaday xariga Wariye Coldoon iyo Agaasimaha TV-ga Star, wuxuuna sheegay in Maxkamadda loo gudbiyay kiisaskooda, isagoo suxufiyiinta Soomaaliland uga digay in ay in ay ku kacaan falalka nabad gelyo darada u keenaya Soomaaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO