SAWIRRO: Wararkii Ugu Dambeeyay Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha JFS Farmaajo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa wax ay sheegayaan in si rasmi ah uga bilaabatay munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in Munaasabada caleemo saarka ah oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qeyb galaya Madax kala duwan oo lagu casuumay iyo sidoo kale marti sharaf ka kala timid dalka dibadiisa iyo gudihiisa.

Dhinaca kale Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne kuxigeenka dalka Sudan ,Wasiiro, safiiro iyo madax kale.

Isku soo wada duuboo Munaasabada goordhaw bilaabatay waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha la caleema saarayo Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, R/Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media