XOG WARAN:- 5 waxyaabood oo laga bartay xafladdii caleema saarka Madaxweyne Farmaajo

0

Waxaa xalfad heer sare loo soo agaasimay lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/Lahi Farmaajo, kasoo qeyb galka xalfadda waxa ku jiray maddax sare oo ka socotay beesha caalamka iyo dowladdaha dariska.

Hadaba waxaan idin soo gudbineynaa waxyaabihii laga bartay Xalfadda caleema saarka.

In Jabuuti ay mar waliba tahay Jabuuti

Waxaa is weydiin mudan sababta aan u niri Jabuuti mar waliba waa Jabuuti, Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa markale kasoo muuqday xalfadda caleema saarka Farmaajo, waxaana ay caan ku tahay garab istaaga dowladnimadda Soomaaliya.

Waxaa la xasuustaa inay qeyb ka ahayd xukuumadda Jabuuti soo dhisiddi dowladihii CabdiQaasim, Shariif sheikh Axmed, si lamid ah waxay door muhiim ah ka qaadatay dhismaha dowladihii Cabdilahi Yuusuf, iyo xukuumaddii dhawaan waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaaminayay Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale waxyaabaha laga bartay waxaa qeyb ka ah

Codkarnimadda Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh MAxamuud

Xasan ayaa lahaa mid kamid ah qudbadihii gaarka ahaa loogu talagalay madaxda labada dowladooda, balse sidii la filayay Xasan ayaa muujiyay inuu yahay cod kar waligiisa aan gamban.

Sidoo kale waxaa uu samayay balan qaad ah inuu la shaqeyn doono maddaxweynaha Cusub ee la doortay, si lamid ah waxaa uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ayna garab istaagaan dowladnimadda soomaliya u curatay.

Doorka Beesha Caalamka

Inkabaddan 26 wadan oo caalamka ayaa kasoo muuqday xalfadda caleema saarka maddax weynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/Lahi Farmaajo, inkastoo inta baddan aan la siinin qudbad, haddana waxay ahayd xalfad ay u dhamaayeen beesha caalamka.

Inta baddan waxay ahaayeen waddamadda Bariga iyo Bartamaha AFrika iyo urur waynaha IGAD, waxayse heleen qaar kamid ah qudbadii xalfada laga jeediyay.

Muujintii Madaxweynaha Dareenkiisa Shacbiyadeed

Madaxweynaha dhawaan la doortay ayaa muujiyay qiiradiisa ku aadan sida uu u doonayo inuu u sameeyo isbaddalka ay shacabka doorteen, inkastoo waqtiga uu ku sheegay inuu yahay mid ku yar.

Sidoo kale waxaa uu dareenkiisa ku muujiyay Farmaajo dhiira galinta Ciidanka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay yihiin geesiyaal u baahan in la garab istaago.

Qodobka ugu dambeya waa

Qudbaddii Dowladdaha Dariska

Qaar kamid ah maddaxda dowladdaha dariska ayaa qudbadoodda ku muujiyay taageeradooda ku aadan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

Madaxweynaha Ethiopia ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan Madaxweyne Farmaajo, wuu sheegay inay taageerayaan ka Adis Ababa ahaan dowladdan curdinka ah.

Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna muujiyay dareenkiisa farxadeed ee ku aadan dowladda cusub, isagoona sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo Dimoqradiyad ah loogana mahadcelinayo madaxdii hore.

W/Q: Cabdiwahaab Axmed Cali