DIB U EEGID:- Shantii Waxyaabood ee ugu Xiiso badnaa oo laga bartay Khudbadii Farmaajo ?

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo caleema saaray xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya kadib xalfad heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday magaaladda Muqdisho.

Maddaxweynaha dhawaan la doortay ayaa lahaa khudbaddii ugu dambeysay ee xalfadda waxaana uu jeeddiyay khudbad inta baddan u badneyd qiirad galinta martiddii hoolka ku sugneyd.

Sidaa darteeda waxaan idin soo gudbin doonaa qaar kamid ah waxyaabihii laga bartay khudbaddii Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay ahayd khudbad dhiira galin u badneyd, sidoo kalena ay inta baddan Soomaalida meel kasta oo ay ku sugan yihiin ay ka dhawr sugayeen.

Waxyaabaha lagu bartay waxaa ugu horeysa

1 – Muujinta inuusan ahayn sida ay dadka ka dhigeen

Dadka qaar ayaa marka ay arkaan qodobkan is weydiinaya sababta uu qoraaga u qaatay cinwaanka nuucaan oo kale, balse madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa aysan ku filneyn waqtiga ay heysato iyo dib usoo celinta qaranka Soomaaliya oo dib u mideysan.

“Waxaan fursadda siineynaa dowladda nagu xigta, anaga oo hubna inaysan suuragal ahayn inaan wadda dhameyno dhamaan howlaha ka dhiman dowladnimada, kaliya waxaan qaadi doonaa waddadii dowladii hore ay jeexday, waana dhameystiri doonaa waxyaabihii ay qabyeeysan dowladdii walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud ,” ayuu Farmaajo ka sheegay xalfaddii caleema saarka.

2 – Amaanidda Amisom

Madaxweynaha ayaa ammaan ugu qubeeyay ciidanka Amisom, isagoona sheegay inay qeyb ka yihiin udub dhaxaadka jiritaanka ciidanka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale sheegay inay dhawaan soo afjari doonaan ujeeddka ugu weyn ee Amisom oo ah in la gaarsiiyo Soomaaliya oo ciidan jiritaankooda uu wanagsan yahay.

3 – Dardaaran Al-Shabaab

Madaxweynaha ayaa dardaaran adag u diray dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna uu kaga digay inaysan isku qarxin hantida shacaka, aysan hor istaagin hormarka dalka, isagoona u ballan qaaday inay siinayaan shaqooyin hadii ay isa soo dhiibaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay fursad heystaan madaxda sare ee Al-Shabaab kuwaas oo xiriirka la leh al Qaacida iyo ISIS, waxaana uu sheegay inay laftigooda heystaan fursad wanaagsan oo ay kaga mid noqon lahayeen isbadalka dalka.

4 – Iskaashiga caalamiga

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inay Soomaaliya iskaashi wanagsan la yeelan doonaa dowladdaha dariska iyo caalamka intoodda kale, si lamid ah madaxweynaha ayaa sheegay inay doonayaan in caalamka ay kala macaamilaan dhanka dhaqaalaha.

5 – Colaada Gaalkacyo

Madaxweynaha ayaa ka hadlay qiiradiisa ku aadan sida uu u doonayo in la damiyo xiisadda colaadeed ee kusoo noq noqotay magaladda bariga dhacda ee Galkacyo.

Wuxuu sheegay in ugu dambeyn ay meel saari doonaan labadda dhinac ee ku dagaalamaya magaalada, isagoona sheegay dhanka kale inuu furi doono gogol nabadeed oo la dhex dhigayo laba dhinac ee ku dagaala magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn maddaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxdii hore, shacabka, wakiiladda beesha caalamka, iyo dhamaan cid waliba oo quseeyso arinta Soomaaliya, balse waxaa uu kaga tagay, khdbaddana kusoo gebagebeeyey “Soomaaliya Ha Noolaato,”

W/Q: Cabdiwahaab Axmed Cali