DEG DEG:- Beesha Caalamka oo soo saartay Fariin ku socota Soomaaliya

0

Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Caleemo Saarkii Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacday xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magalada Muqdisho.

Saaxiibada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka ayaa waxa ay ammaaneen qaabkii ay u dhacday Caleemo Saarkii Madaxweynaha, iyagoo ka tilmaamay qaab geesinimo leh.

Micheal Keating oo hadal ka jeediyay Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxa uu sheegay in uu u hambalyeynayo Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka wakiil ah Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka.

Sidoo kale Keating ayaa ka hadlay Doorashooyinkii dalka ka dhacay, wuxuuna wax wanaagsan ku tilaamamay Doorashooyinkii ka dhacay Degaan Doorashooyinka Dalka ee xildhibaanada, Guddoonka Golaha shacabka iyo midka Aqalka Sare.

“Waxaan aad u ammaanayaa qaabkii ay maanta u dhacday xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha, maadaama ay si Dimuqraadi ah ay ku dhacday, waxaana ku tilmaami karnaa talaabo muhiim ah oo horey loo qaaday” Ayuu yiri Mr. Keating.

Ugu dambeyntii Micheal Keating ayaa waxa uu u mahadceliyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna ku ammaanay doorkii ay ka qaateen Nabadda Doorashada Soomaaliya.