DAAWO:- Shariif Sheekh oo Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Balanqaad lagu farxay

0

Madaxweynihii hore ee DF Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa madaxweynaha DF Soomaaliya ugu hambalyeeyay xilkiisa kadib markii uu khudbad ka jeediyay xaflada caleemo saarka.

Sh Shariif oo marka horey umahadceliyay dadaalkii madaxdii dalka soo martay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Aniga shaqsi ahaan waxaan kuu balan qaadayaa inaan kuula shaqeyn doono si dhab ah”ayuu yiri madaxweyne hore Sh Shariif Sh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay taariikh dheer ku leedahay iney si xoriyad leh ay xilka ku wareejiyaan ayna taas Afrika oo dhan hormuud uga yihiin.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=42E3YBiLI20