DAAWO KHUDBAD XIISO BADAN:- Madaxweyne Farmaajo oo Al-Shabaab iyo Arimo kale oo Shacabka Farxad geliyay ka hadlay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta lagu Caleemo Saaray Magalada Muqdisho ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu kaga hadlay Amniga, Abaaraha, Musuq maasuqa, dib u dhiska Ciidanka iyo Dagaalka ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Shabaab in ay u sheegayaan maanta laga bilaabo in aysan isku qarxin dadkooda Soomaaliyeed ee walaalahooda iyo in aysan bur burin hantida dalkooda uu leeyahay, maadaama dalka uu ku jiro dib u dhis.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab in ay uga digayaan in ay hor istaagaan hormarka dalka, si aanay shacabka u noqon kuwo niyad jabsan.

Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan dhalinyarada Shabaab ku jirta ee uu sheegay in la qalday, isagoo sidoo kale sheegay in ay shaqo abuur u sameynayaan.

Shabaab ayaa Dagaal kula jira Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, waxaana ay mararka qaar weeraro ka geystaan xarumaha Ciidanka Dowladda ee ku yaalla Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=urL8MdOqOIs