DAAWO Ergeyga QM Keating oo Khudbad xiiso leh jeediyay

0

Xaflada caleemo saarka madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Muqdisho iyadoo shaqsigii ugu horeeyay ee Mikrafoonka loo dhiibay uu ahaa ergayga QM ee Soomaaliya.

Ugu Horeyn Ergeyga QM Keating ayaa madaxweynaha DF Soomaaliya ugudbiyay dhambaal hambalyo ah oo uga timid xoghayaha guud ee QM, kaas oo ugu hambalyeeyay xilkaas cusub, una mahadceliyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.

Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu si weyn ula shaqeyn doono madaxweyne Farmaajo sidoo kalana ay garab taagan yihiin umadda Soomaaliyeed.

Laakiin Oraahdii uu adeegsaday Keating ayaa ka qoslisay dadka taas oo aheyd ORAAHDA SOOMAALIYEED ” FAR KALIYA FOOL MA DHAQDO” isagoo waliba Af Somali ku sheegay.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=E7BnCqJVtQs