AKHRISO:- Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha oo la soo gaba gabeeyay iyo Dhacdooyinkii laga diiwaan geliyay

0

Waxaa la soo gaba gabeeyay Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo barkhanimadii maanta ka bilaabatay xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ee Magaalada Muqidsho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay dalalka Afrika oo ay k amid yihiin Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Xubnaha Beesha Caalamka, Xubnaaha Midowga Afrika, Madaxda Maamul Goboleedyada Hoose, Safiiro iyo xubno kale.

Madaxdii ugu sareysay ee ka qeyb galay Munaasabadan ayaa waxa ay dhamaantood jeediyeen khudbado looga hadlayay xaalada hada ay ku sugan tahay Soomaliya, iyo sidii guulo loo gaari lahaa, Soomaaliyana looga dhaqaajin lahaa halka ay hada mareyso.

Sidoo kale Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta khudbad ka jeediyay, iyagoo kawada simnaa in ay la shaqeyn doonaan Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa balan qaaday in uu soo celin doono sharafkii cisihii karaamadii Soomaaliya, dib u soo celinta Nabada, Kobcinta dhaqaalaha dalka, dhismaha Ciidamada Xoogga iyo arrimo kale.