Maxaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ?

0

Kulankii u horeeyey ayeey xalay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Islaam (Madoobe).

Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia waxa ay labada madaxweyne kaga hadleen xaalada guud ee dalka iyo mida Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ka maqnaa doorashadi dalka 8 Febraayo waxaana uu ku sugnaa magaalada Kismaayo xiligaas.

Madoobe ayaa hada u jooga Xamar ka qeybgalka munaasabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.