DHAGEYSO:- Xildhibaan Falanqeeyay Go'aan Culus oo dhawaan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo

0

Xildhibaan Xuseen Ciise Carab oo ka mid ah Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay habka ugu haboon ee Dowladda Federaalka ay uga guuleysan karto la dagalanka Shabaab.

Xuseen Ciise Carab waxa uu sheegay xiriirka wada shaqeynta Ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka oo la wanaanijyo in ay tahay fursada keliya oo looga guuleysan karo ururka Al-shabaab, isagoo sheegay in Ciidanka xoogga tiradooda ay badan tahay, balse muhiim ay tahay in tayadooda sare loo qaado.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Ciidanka AMISOM dhowaan u qabtay in mudo 2 sano ah ay Shabaab kaga saaraan guud ahaan dalka.

Al-shabaab ayaa Dowladda Federaalka waxa ay kula jiraan Dagaal, waxa ayna Muqdisho ka geystaan dilal iyo weeraro Qaraxyo ah, iyadoo hanaanka loo maro Dagaalka ururka Al-shabaab dad badan oo khubaro ah ay ku dhaliileen Dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO