DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Wariye Coldoon iyo Somaliland oo qaadatay Go'aan…..

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Xariga dhawaan ay Somaliland u geysatay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay sharciga horkeeni doonaan Wariye Coldoon ,waxaana uu sheegay in uu yahay Qaran Dumis.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in wariyahaasi uu ku xadgudbay Jiritaanka maamulka Somaliland ,islamarkaana ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Cabdimaalik uu ka horyimid Qaranimada Somaliland, islamarkaana aan lagu tilmaamikarin Wariye.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa dhawaan xiray Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ka dib markii uu  ka laabtay Magaalada Muqdisho , islamarkaana uu gaaray Magaalada Hargeysa.

Wariyeyaasha  Somaliland ayaa la kulmaya Cadaadis xooggan , waxaana Xabsiyada Somaliland ku xiran dhowr Wariye.

HALKAAN KA DHAGEYSO