WAR DEG DEG:- Duqeyn Xoogan oo ka socota Deegaan ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab

0

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Duqeyn xoogan ay ku socoto Deegaanka Janaale ee Gobolkaasi ka tirsan.

Duqeynta ayaa waxaa wada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Deegaanka Buufow oo ku dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Janaale waxaa gacanta ku haaya Kooxda Al-Shabaab waxaana warar ay sheegyaan in Dadka deegaankaasi ay bilaaween in ay halkaas isaga cararaan Maadaama Duqeyn xoogan ay ku socoto.

Lama oga sababta ka damebeysa in Ciidamada AMISOM ay duqeeyaan Deegaanka Janaale Ee Shabellaha Hoose.