Maxaad kala socotaa sababta loo xiray Milkiilaha Universal TV?

0

Warar ay heshay Warbaahinta,ayey kusoo ogaatay sababta rasmiga ah ee ka danbeysa Xariga Milkiilaha TVga Universal Injineer Axmed Abuukar.

Injineerka ayaa Gelinkii dambe ee Axadii lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa xili uu doonayay inuu Masuuliyiinta Somaliland kala hadlo Xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo toodbaadkii hore la xiray.

Milkiilaha Universal ayaa markii uu tagayba halka uu ku xiranyahay wariyaha waxaa loo sheegay inuu  isagana xarigyahay maadaama uu faragashtay arrimo ka madax banaan.

Horay waxaa ujiray khilaaf udxeeyay Universal iyo Maamulka SOmaliland oo salka ku haya  Barnaamijka Faaliyaha Qaranka ee ka baxa hal mar todobaadkiiba TVga.

Barnaamijkaas ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu soo qaatay warar aysan jecleysan Masuuliyiinta maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Somaliland ayaa horay uxirtay Xafiiskii TVga  ee Hargeysa waloow waanwaan la galay kadib la suura galiyay in TVga uu dib uhowlgalo.

Sidoo kale Somaliland ayaa dhawaan xabsiga dhigtay Tabiyaha Barnaamijka Faaliyaha Qaranka Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo habeen ku hoyday Xabsiga Magaalada Hargeysa.

Cabdi Xafiid Maxamuud Jaamac oo kamid ah xubnaha ugu sarsareysa TVGa ayaa inoo xaqiijiyay in xariga Milkiilaha Universal uu salka ku hayo dadaalka uu isugu dayay in lagu sii daayo C/maalin Muuse Coldoon.