Iraan oo digniin siisay maamulka Donald Trump

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan, Javad Zarif ayaa Mareykanka u sheegay in uu joojiyo handadaadda uu dalkiisa ku hayo.

Javad Zarif wuxuu maamulka Trump ku eedeeyay in uu isku deyayo inay daandaansadaan Iraan si cunna qabateyn ay u saaraan.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Javad Zarif, ayaa sheegay in Trump uu kicin sameynayo ka dib gantaal ay Iran dhowaan tijaabisay oo caag ahaa.

Wuxuu u digay Mareykanka oo uu u sheegay in aysan cunna qabateyn saari karin xukuumadda Tehran.

Zarif ayaa tilmaamay in tallaabo la mid ah ay qaadidoonaan, haddii xayiraad lagu soo rogo.

Mr Zarif wuxuu ka qeybgalay kullankii amniga ee Munich.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa Iraan ku tilmaamay “maalgeliyaha ugu sareeya ee argagixisada”.

Iraan oo heshiis kula jirta maamulkii Obama ayaa hadda u muuqata inay si weyn isaga soo horjeedaan maamulka Donald Trump.