DEG DEG+DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo Digniin culus soo saaray

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha, Amniga iyo Arrimo la xiriira Maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in ay doonayaan Maamulka Koonfur Galbeed in uu noqdo Maamul xoog leh oo la tartami kara Maamulada kale, si loo gaaro guulo iyo hormaro isdaba joog ah oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku farxaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay ka digayaan dad dano gaar ah leh oo ka talinaya dhibka iyo sidii Hoggaanka Koonfur Galbeed kursiga looga tuuri lahaa.

Shariifka ayaa sheegay xubno ka tirsan Maamulka in ay wadaan qorshe ay lacago uga soo uruurinayaan Ganacsatada, taasi oo lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Maamulka, gaar ahaan Hoggaankiisa, isagoo sheegay lacagahaasi muhiim in ay tahay in loogu gar gaaro dadka ay Abaaraha saameeyeen.