Taliye Koofi oo gaaray Magaalada Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee Caasimada  Maamulka Puntland maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Wafdiga General Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Garoowe inta uu joogo waxa uu kormeeri doonaa  xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Puntland.

Safarka Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) uu ku tagay Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku tagayay Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.