Soomaali dib u dejin ka heshay Dalka Mareykanka

0

140 qof oo Soomaaliyeed ayaa dib u dejin ka helay dalka Mareykanka  tan iyo markii Madaxweynha dalka Mareykanka Trump uu soo saaray amar mamnuucaya 7 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya in ay soo galaan dadkood dalka Mareykanka.

Go’aanka Madaxweyne Trump ka dib Garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka ayaa  la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan dadka doonaya in ay soo galaan dalka Mareykanka.

Kumanaan qof ayaa laga horjoogsaday in ay galaan Mareykanka.

Dadkaan ayaa in ay gaaraan dalka Mareykanka waxaa  u suurta geliyay go’aankii Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka uu ku diiday in la dhaqan geliyo go’aanka Madaxweyne Trump oo uu sheegay in uu khatar ku yahay midnimada dadka kunool dalka Mareykanka.

Wali waxaa jira Muran ku saabsan Go’aanka Trump , waxaana inta uu jiro murankaasi dalka Mareykanka gaaraya dad aad u farabadan .