DHAGEYSO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo ka hadlay sida ay Puntland u wajaheyso Siyaasada Madaxweynaha Cusub uu la imaanayo

0

Madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay si weyn ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay xiriir wanaagsan oo dhinacyo badan ay la yeelan doonaan Madaxweyne farmaajo, maadaama Maamulka Puntland uu ka mid yahay Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, islamarkaana ay la yeeshaan xiriir wanaagsan, si dalka hormar loo gaarsiiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-