MAQAAL:- Maxaad Ka Taqaan Beesha Mareexaan?

0

Beesha Mareexaan waxa ay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ee faca weyn ee daga dalka Soomaaliya, waa beel aad iyo aad u dulqaad iyo sabir badan, waa beel aad u tixgalisa Soomaalinimada, waa beesha kaliya oo iyagoo dulman danahooda u daadiya Soomaali weyn, waxayna u badan yihiin dadka la oran karo Allaa Watee Wehel Umma Baahna.

Dadka Beesha Mareexaan waa dad aan ku shirkoobi karin amaba isku wada raaci karin sadex arrimood oo ay maanta beelaha kale ee Soomaalida ku mideysan yihiin.

1- In Dad Soomaaliyeed dhibaato loo geysto.

2- In Dalka Soomaaliyeed dhibaato loo geysto ama la manjo xaabiyo.

3- In Dano gaar ah beeshu yeelato ka weyn mida Soomaaliweyn.

Sidoo kale Beesha Mareexaan waxay leeyihiin taariikh deris wanaag iyo mid ku dhexjir ummada Soomaaliyeed, aalaaba ma dhacdo in beesha Mareexaan gabi ahaantood isku raacaan inay u adeegaan dadyoow shisheeye ah oo dhibaateenaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waase dhacdaa in shaqsiyaad ay noqdaan kuwo camiil ah oo la socda cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mareexaan waxay caan ku yihiin Hogaamiyeyaal si daacadnimo ah ugu adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed,  waloow aalaaba lagu xanto hogaamiyeyaashaas inay ka cararaan dadkooda iyo deegaanadooda islamarkaana aan waxba u qaban dadkooda iyo deegaanadooda, waxaa sidoo kale hogaamiyeyaasha beesha Mareexaan lagu xantaa inaysan ahayn rag dadkooda iyo deegaanadooda u sameeysta siyaasad mideeysa ama maamul wanaagsan oo u shaqeeya sida kuwa maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee hadda jira, halka Hogaamiyeyaasha kale ee Soomaalida ay dadkooda iyo deegaanadooda wax tarrikhda gala uga tagaan.

Beesha Mareexaan waxay caan ku yihiin wax walba oo ay ka dhadhansadaan ama u arkaan in Dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan ugu jidho inay si hagar la’aan iyo indho la’aan ah u taageeraan iyagoon marnaba eegeyn haba yaraato’e in wax maslaxad ah ugu jiraan dadkooda iyo deegaanadooda.

Waa beel leh geesiyaal taariikhda Soomaaliyeed ku qoran iyo aqoonyahano farabadan, waloow aqoonyahanadooda hadda nool qudhooda lagu xanto inay ka cararaan beesha u adeegeeda ama wax u qabashadeeda, halka aqoonyahanada kale ee Soomaaliyeed dhex u xirtaan ama ka dhex muuqdaan dadkooda iyo deegaanadooda.

Gabgagabadi waxaa xaqiiqo ah in aadanaha maanta dunida jooga ama dadka Soomaaliyeed ee maanta nool (nina uu camal la’aan meel u joogin, u aadin ama u marxabayn), balse Beesha Mareexaan waxaad mooda inay yihiin dadka kaliya ee dunidan maanta la joogo ku nool ama beesha kaliya ee kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee la oran karo ALLAA Watee, Wehel Umma BAAHNA

GUULEYSTA GUULWADEYAAL!

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed