Ku dhawaad 30 qof oo Abaaraha dartood ugu geeriyooday Deegaanno hoostaga Degmada Diinsoor

0

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ubraahim Maxamed Nuur Shigshigow M ayaa ka warbixiyay Xaaladda Abaaraha baahsan ee ka taagan Gobolkaasi.

Waxaana guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in ku dhawaad 30 qof Xaaladaha Abaaraha ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Diinsoor ayaa sheegay in aysan jirin illaa iyo haatan wax Gurmad ah oo dadkaasi sida ba’an ay u saameysay Abaartu heleen balse weli ay yihiin kuwa Rajo ku nool ah.

Qeylo dhaanta xagga Abaaraha ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoona weli aanu jirin wax ka qabasho muuqda si loo samata bixiyo dadka iyo Duunyada ku nool meelaha ay halakeeyeen abaaruhu.