DHAGEYSO:- Soomaali lagu xir xiray Dalka Mozambique iyo Muran ka dhashay Xarigooda

0

Dowladda Mozambique gaar ahaan xukuumadda ayaa soo saartay amar lagu farayo dadka ajnabiga ah ee sharci darada ku jooga dalkaasi inay ka baxaan, sida ay maanta qoreen warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Booliska Dalka Mozambique oo amarka fulinaya ayaa waxa ay xir xireen tiro dad ah oo ka soo jeeda dalalka deriska la ah Mozambique, waxaana ilaa iyo hada aan la sheegin tirada dadkan la xir xiray.

Dadka la xir xiray waxaa ka mid ah Soomaali dalkaas ku nool, kuwaas oo isugu jira Haween, Caruur iyo Dad Da’ah, waxaana lagu xiray xabsi ku yaalla caasimadda dalkaasi Mozambique.

Sidoo kale Warbaahinta dalkaasi ayaa waxa ay qortay in dhowaan dalkaasi ay ku dhinteen dhowr qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ku kala dhintay magaalooyinka iyo baadiyaha dalkaasi.

Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay arrintan, waxaana ay sheegeen in ay ku nool yihiin wal wal iyo cabsi, maadaama xukuumada ay sheegtay in ajaanibta sharci darada ku joogta dalkaasi la musaafurinayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-