DHAGEYSO:- Maxaadan ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Baardheere?..

0

Maamulka Gobolka Gedo, Kan Degmada Baardheere, Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Haweenka ee Maamulka Jubbaland ayaa si wadajir ah u koormeeray Barnaamijyo Mashaariic hormarineed oo laga  fulinayo degmada Baardheere.

Goobaha ay koormeereen Masuuliyiintan ayaa waxa qaarkood ka soconayo dhismo Casri ah halka qaarkoodna la soo gabagabeeyay dhismahooda.

Goobaha ay koormeereen Masuuliyiinta ayaa waxa ka mid ah Isbitaalka Guud ee Degmada Baardheere, Xarunta Nabada Bulshada, iyo Xarunta Maamulka degmada Baardheere oo dhamaantooda si Casri ah loo dhisayo.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-