DHAGEYSO:- Maamulka G/Banaadir oo qorshe Cusub u diyaariyay Dadka ka soo Cararay Abaaraha gobolada Dalka

0

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi guure iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa ay deeq raashiin ah gaarsiiyeen qaar ka mid dadkii ay abaaruhu saameeyeen ee Muqdisho soo gaaray.

Dadkaan ayaa waxa ay ka soo carareen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose.

Waxaana deeqda la gaarsiiyay ay isugu jirtaa dhar, raashiin, iyo agab kale oo noloshooda muhiim u ah.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi guure ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay deeqda ay gaarsiiyeen dadkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-