DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dilkii Cumar Hagafeey

0

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Dilkii Maanta Muqdisho loogu geystay Alle Ha u naxariistee Afhayeenkii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

Afhayeenka maamulka Galmudug Cabdulaahi Xaashi ayaa sheegay in Galmudug ay ka xuntahay dilka Hagafeey ,islamarkaana ay ka tacsiyaynayso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka Hagafeey.

Kooxo hubeysan ayaa maanta Agagaarka Isbitaalka Digfeer ku dilay Maxamed Cumar Hagafeey.

Hoos ka Dhageyso Codka:-