DHAGEYSO:- Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo lagu dhawaaqaayo Isbuucaan Gudihiisa

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada todobaadkaan gudihiisa.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ka dib wadatashi uu muddo dheer uu la qaatay waxgaradka degan gobolada Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe uu soo dhameystiray qeybo ka mid ah Liiska golihiisa Wasiirada.

Maamulka Hirshabeelle oo Muddo dhisan ayaa wali yeelan golo Wasiiro, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi uu dhowr jeer ka codsaday xildhibaanada in ay waqtiga Magacaabista golaha Wasiirada loo kordhiyo.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada todobaadkaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-