DAAWO:- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo hal heyskii Madaxweyne Donald Trump ku wareejiyay Farmaajo iyo Sirta ka dambeysa oo la ogaaday

0

Danjiraha Dowladda Mareykank ee Soomaaliya Stephen Schwartz,ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo uu kulan la qaatay waxaa uu guddoonsiiyay hal heystii ka koobnaa afarta Erey  ee uu Trump ku helay aqalka cad ee Mareykanka.

Stephen Schwartz,ayaa Madaxweyne Farmaajo u haddiyeeyay Koofuyad ay ku qoran tahay  “Make Somalia Greate Again” oo la micno ah “ka yeel Soomaaliya mid weyn mar kale”.

lama garanayo qorsha ka dambeeyay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu hal ku dhiggii Trump oo Soomaaliya loo soo rogay u haddiyeeyay Madaxweyne Farmaajo.

Dadka lafa gura Xiriirka Caalamiga ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu heysto fursad gaar ah oo aan soo marin madaxdii ka horreysay taas oo ah in isaga uu yahay Muwaaddin Mareykan ah,wax badanna kaga kasban karo dowladda Mareykanka ee dhawaan talada dalkaas la wareegtay.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa Twitterkiisa soo dhigay Koofiyadda iyo kulanka uu la qaatay Stephen Schwartz,waxaana uu sheegay in kulankaas ay diiradda ku saareen amniga iyo abaaraha.

Sidoo kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa isla sawirkaas soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka,waxaana ay kulankaas ku sheegtay mid miro dhal ahaa.

Hoos ka Daawo Sawirada:-