Warqad Furan:- Madaxweyne Farmaajo Waa In Dawladdaada Cusub Noqoto Mid Soomaaliyeed Oo Aysan Ka Dhex Muuqan Dadka Lagu Tuhmayo Inay Gacmaha Dhiig Ku Leeyihiin Ama U Shaqeeyaan Itoobiya.

0

Asc wr wb Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Ugu horeyn Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan kuugu hambaleynayaa guusha baaxad weyn leh ee aad gaartay iyadoo ay ku garb taagan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan arko in uu shaqeeyay Rabitaankii shacabka Soomaaliyeed iyadoon cidna looga heeybaysanayn, waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay siday shacabka Soomaaliyeed kuugu hiiliyeen.

Shacabka Soomaaliyeed lix iyo labaatan sano ayay kusoo jireen dagaalo sokeeye, dagaalo xagjir, gaajo, jahli, bahdil iyo faragalin shisheeye, xaqiiqdina waa ay ka daaleen arrimahaas oo dhan, sidaa awgeed waxaan kaa codsanayaa anigoo kamid ah muwaadiniinta aad Madaxweynaha u tahay ilaali qalbiga shacabka Soomaaliyeed oo ka ilaali kuwii intaas oo dhib ah baday ama u geystay in ay kasoo dhex muuqdaan dowladda cusub ee aad soo wado.

Waxaan rajeenayaa inaad si wanaagsan uga fiirsato cidaa usoo magacaabeyso R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed, haddanse kula taliyo waa inuu noqda mid Wadani ah soona jiidan kara qalbiga shacabka Soomaaliyeed sidaad adiga usoo jiidatay qalbiga shacabka Soomaaliyeed, yuusan noqon mid shisheeye u adeega gacmahana ku leh dhiig Soomaaliyeed oo ay ka naxaan shacbka ku taageeray ee Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne Farmaajo waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa kaaga baryayaa inuu xilkaas aad ummada Soomaaliyeed u qaaday uu kuu fududeeyo, waxaan sidoo kale rajeenayaa R/wasaare loo damaashaado oo ay ummadu usoo dhaweeyaan sideey kuusoo dhaweeynee, yacni mideey yiraahdaan # Ar R/wasaaraha ii geeya.

Madaxweyne Farmaajo waxaana kaaga fadhinaa inaad shacabka Soomaaliyeed ugu hiiliso sideey kuugu hiiliyeen.

Gabagabadi Waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa Dalkeena iyo dadkeenaba uga baryayaa inuu ka dulqaado abaaraha iyo colaadaha, kana dhigo dad qalbigooda isu furan yahay oo midooba islamarkaana hela Cadaalad, Nabad iyo Horumar. Aamiin Aamiin Aamiin.

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed.