Kuuriyada Waqooyi oo Dalka Malaysia ka dalbaday jawaab deg deg ah

0

Qoyska Kim Jong-Nam ayaa laga dalbaday in ay keenaan caddeyn hidde-sidaha DNA in ay u soo gudbiyaan dalka Malaysia ka hor inta aan meydkaiisa loo qaadin dalka Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xiganayo Booliska. Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbatey in meydkiisa iyaga lagu wareejiyo.

Ma jiro qaar kamid ah qoyska xukuma dalka Kuuriyada Waqooyi ama qaraabadiisa u dhaw oo yimid dalka Malaysia si ay u caddeeyaan meydka Kim Jong-Nam. Waxaan u baahanahay hidde-sidaha DNA oo aan ka dooneyno qoyskiisa, ka hor inta aan meydka lagu wareejin, sidaas waxaa yiri Abdul Samah Mat oo ka tirsan ciidanka Booliska Malaysia.

Ninkan ayaa lagu diley garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumbur. Sida ay sheegayaan sirdoonka Kuuriyada Koonfureed waxaa sumeeyey ninkan kuwo ay soo tababareen sirdoonka Kuuriyada Waqooyi.