DHAGEYSO:- Wasiir Barre “Xil Maamulka Koofur Galbeed laga haayo ma jiro”..

0

Axmed Maxamed (Macalin Barre) Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ka hadlay xil ka qaadis Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku sameeyay shalay.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed (Macalin Barre) oo Muqdisho ku sugan Risaala ayuu la hadlay, wuxuuna sheegay in uusan jirin xil isaga ama Shariif Xasan uu haayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin wax Gole Wasiiro ah oo Koonfur Galbeed ka jira in aysan jirin, maadaama uu sheegay halkaasi in ay ku sugan yihiin dad gaar ah oo dano siysaasadeed leh.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu magacowday Golaha Wasiirada, taasina aysan xalaal ku aheyn, maadaama la doonayay in Golaha Wasiirada la horgeeyo Baarlamaanka.

Wasiirka xilka laga qaaday oo sidoo kale xubin ka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, ee qorsheynaysa in ay mooshin ka keenaan Madaxweyne Shariif Xasan.

Macalin Barre, ayaa ku goodiyay kolka uu furmo Fadhiga Baarlamaanka Koonfur Galbeed, in markaasi ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbin doonaan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-