WAR DEG DEG:- Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mida Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho goor dhow waxaa laga maqlay dhawaqa tiro Madaafiic ah, kadib saacado ka hor markii xilka Madaxweynaha uu la wareegay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dadka reer Muqdisho ayaa tirada Madaafiicdan waxa ay ku sheegeen ilaa 4 xabo, waxaana ay ku soo dhaceen qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Madaafiicdan iyo halka laga soo tuuray.

Saraaakiisha laamaha amniga Dowladda Federaalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan Madaafiicdan iyo halka laga soo tuuray, saxaafadana ay uga faah faahin doonaan.